Tiro hoobiyeyaal ah ayaa goor dhaweyd lagu garaacay xaafado ka mid ah degmooyinka Wardhiigleey iyo Boondheer ee magaalada Muqdisho, waxaana la helayaa warar dheeraad ah oo ku aaddan Hoobiyeyaasha lagu gaaracay Caasiamdda.
Hoobiyeyaashan ayaa mid ka mid ah waxa uu ku dhacay xero ay deganaayeen dad barakacayaal oo ku dhawaw Godka Jilicow, sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah oo ka agdhawaa halka ay wax ka dhaceen.
sidoo kale Wararka aan helnay ayaa sheegaya in mid ka mid ah hoobiyeyaasha uu ku dhacay meel ku darbiga Madaxtooyada Soomaaliya, Welina ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan.
Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, oo ay sheegtay inay la beegsatay Madaxtooyada Soomaaliya.
waana weerarkii labaad ee hoobiyeyaal ah oo wax ka badan un bil gudaheed ka dhaca Muqdisho.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay mas’uuliyadda weerar hoobiyayaal ah oo lagu qaaday xerada Xalane ee saldhigga u ah ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ka hawlgala Soomaaliya, 9-kii March 2021.