Warbixin cusub ayaa la soo bandhigay, taasi oo lagu muujiyey Amarka Duqeynta ee Xafiiska Madaxweyne Obama Barack ka soo baxay sannadkii la soo dhaafay ee 2016-ka.
Warbixintaasi oo ay diyaariyeen Golaha Xiriirka Dibedda (Council on Foreign Relations) ee Kongareeska Maraykanka ayaa lagu sheegay inay Milliteriga Maraykanka sannadkii hore 26,171 Bambo ku daadiyeen 7 dal oo uu Maraykanka la beegsado Duqeymo Qorsheysan.
Inta badan Bambooyinkaasi waxaa lagu duqeeyey dalalka Iraq iyo Syria, waxayna duqeyntaasi qeyb ka tahay Hawlgalka Isbahaysiga Maraykanka kula dagaalamayaan Maleeshiyadda Kooxda Daacish.
Warbixinta ayaa lagu xusay in Labadaasi Waddan midkiiba lagu duqeeyey 12,000 oo bambaano, waana in ka badan 93% tirada guud ee Duqeymaha ay Milliteriga Maraykanka ka geysteen Caalamka.
Shaxda dalalka ay Milliteriga Maraykanka sannadkii hore la dhaceen Bambooyinka ay Diyaaradaha soo daadiyaan ayaa waxaa kaloo ka mid ah:
Dalka Afganistan oo lagu daadiyey 1,337 Bambooyin,
Dalka Libya oo lagu duqeeyey 496 Bambooyin,
Dalka Yemen waxaa lagu duqeeyey 34 jeer
Dalkeenna Somalia, waxay Diyaaradaha Dagaalka Maraykanka ku duqeeyeen 14 Bambooyinka waxyeelladda badan u geysta Dadka iyo Duunyada.
Dalka Pakistan waxaa Bambooyinka lagu daadiyey 3 jeer.
Si kastaba ha ahaatee, inkastoo ay Maraykanka Bambooyin lagu qiyaasay 26,171 xabbo ku daadiyeen dalalka Somalia, Iraq, Syria, Libya, Yemen, Pakistan iyo Afganistan, haddana ma jiro Dagaal Rasmi ah oo ay Dowladda Maraykanka shaacisay inay kula jiraan 7-daasi dal ee ay Gantaalladda casri ku duqeeyaan.
©Radio Dalsan