Ilaa 34 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyooday Is-qarxintii iyo weerarkii ka dhacay caasimadda dalkaasi ee Kabul, sida ay sheegeen Ilo Caafimaad iyo Warbaahinadda Maxaliga ee dalkaasi.
Goobjoogayaal ayaa sheegay inay Maleeshiyo ka tirsan Ururka Daalibaan weerareen Xarun ay Wasaaradda Difaaca ku lahayd bartamaha Kabul, wuxuuna weerarku ka bilowday gaari miineysan, ka hor intaysan Maleeshiyadda gudaha u galeen Dhismaha Waaxda Loojistikadda ee Wasaaradda Difaaca ee dalkaasi.
Dhinaca kale, Afhayeenka Daalibaan, Zabuhulaahi Muhaajid ayaa sheegay inay ka dambeeyeen weerarkaasi oo uu xusay inay ku dileen Askar badan.
Dhismaha uu weerarka ka dhacay ayaa la sheegay inay ku yaallaan Dhismooyin Dowladeed, Garoon Sport iyo dhismayaal la deggan yahay.