Waxaa berri oo Axad ah dib u bilaabmaya ciyaarihii maamul goboleedyada  iyo Gobolka Banaadir oo hakad u galay ,kadib muran hareeyay, kaas oo kooxda Koonfur Galbeed ay kaga baxday ciyaaraha.
Kooxda Koonfur galbeed ayaa si rasmi ah uga hartay, ugana baxday tartanka, waxaana kulan ay yeesheen Guddiga Fulinta ee Xeriirka kubadda cagta ee Soomaaliya iyo ururrada kubadda cagta ee maamul goboleedyadu ay go’aamiyeen in sidaas looga hadho Koonfur Galbeed.
Hirshabeelle ayaa berri soo xaadiri doonta si saddex dhibcood looga siiyo Koonfur galbeed oo aan meeshaba joogin maadaama ay iyaga la ciyaari lahaayeen.
Intaas ka dib waxaa dhici doonta ciyaarta u dhaxaysa Gobolka Banaadir iyo Jubbaland taas oo go’aamin doonta sida ay kooxuhu isugu aadayaan afar-dhamaadka.