Jeneral Raxiil Shariif oo dhawaan Hawlgab ka noqday Ciiddamadda ayaa dhawaan tegay Sacuudiga, isagoo la socday diyaarad Khaas ah oo ay Boqortooyada Sacuudiga u dirtay.
Warbaahinta Pakistan ayaa sheegtay in la filayo inuu La-taliye dhinaca Difaaca u noqdo Isbahaysiga Sacuudiga ee ay xubnaha ka yihiiun 39 Dowladood, kuwaasi oo ka mideysan La-dagaalanka Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.
Isbahaysigaasi oo la asaasay sannadkii 2015-kii, waxaana xubno ka ah dalalka Somalia, Saudia, Jordan, United Arab Emirates, Pakistan, Bahrain, Bangladesh, Benin, Turkey, Chad, Togo, Tunisia, Djibouti, Senegal, Sudan, Sierra Leone,, Gabon, Guinea, Palestine, Comoros, Qatar, Cote d’Ivoire, Kuwait, Lebanon, Libya, Maldives, Mali, Malaysia, Egypt, Morocco, Mauritania, Niger, Nigeria iyo Yemen.
©Radio Dalsan