Afhayeenadda Xafiiska Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa lshaacisay in la dilay Taliyihii Guud ee Milliteriga dalkaasi, Jeneral Seare Mekonnen iyo Madaxweynihii Maamul-gobaleedka Amxaaradda, Ambajew Mekonnen iyo La-taliyihiisii oo la oran jirey Ezez Wasiye.
Afhayeenadda oo lagu magacaabo Bilene Seyuum waxay tilmaamtay in Madixii Ammaanka ee Maamulka Amxaaradda, Asaminew Tasige hogaaminayey kooxdii toogatay Madaxda Maamulka Amxaaradda iyo La-taliyihiisa oo iyagu kulan ku lahaa Xarunta Dhexe ee Maamulkaasi.
Waxay kaloo sheegtay in Taliyaha Guud ee Milliteriga dalkaasi uu dilay Waardiyihiisa Khaaska, wuxuuna falkaasi u muuqday inuu ku xiriirsanaa weerarkii lagu dilay Madixii Maamulka Amxaaradda iyo saraakiil kale.
Taliyihii Guud ee Milliteriga dalkaasi waxaa lala dilay Jeneral Hawlgab ah oo salaan ugu yimid.
Mar sii horreysay, Madaxa Ciiddanka Khaaska ee Gobalka Amxaaradda, Jeneral Tefera Mamo waxa uu u sheegay Telefishinka Dowladad Ethiopia in inta badan dadkii isku dayey Afgembiga la xiray, inkastoo ay dhowr kalena baxsad ku jiraan.
Tan iyo markii uu Ra’isul-wasaare Abiy Ahmed talada la wareegay sannadkii hore waxa uu isku hawlay sidii uu Isbedel Siyaasadeed ugu samayn lahaa dalkaasi oo ay ku nool yihiin 100 million oo qof.
Waxa uu sii daayey Maxaabiistii Siyaasadeed, waxaana u uqaaday Bandow saarnaa Xisbiyadda Siyaasadda, iyadoo dacwado lagu soo oogay Saraakiishii lagu soo eedeeyey inay geysteen Tacadiyo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha.
Dalka Ethiopia waxaa la qorsheynayaa in Doorashadda Barlamaanka Qaranka la qabto sannadka soo socda, inkastoo dhowr Kooxo Mucaarad ah ku baaqeen in la joojiyo Doorashadaas sababo la xiriira Kacdoonka iyo Barakaca ka jira dalkaasi.