Taliyihii hore ee NISA oo ka hadlay Amni-xumida Muqdisho iyo Mushaaraadka Ajnabiga siiyaan Ciiddanka Qaranka.

Taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, Jeneral C/raxmaan Maxamed Tuur-yare ayaa hadalkaasi ku sheegay Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook-ga oo uu kaga hadlay qaraxyadda iyo dilalka ka dhacayo magaalladda Muqdisho.

Jeneral C/raxmaan Tuur-yare waxa uu xusay inaan waxba laga qaban karin Amni-darradda ka jirta dalkeenna tan iyo inta laga xoroobayo Aragtida Shisheeyaha iyo Mushaaraadka ay siiyaan Ciiddanka Qaranka.

Waxa kale oo uu dhaliilay Kaalinta Shacabka ee sugidda Ammaanka, wuxuuna ugu baaqay inay ka xorroobaan Hal-ku-dhegga Maxaa iga galy, iyadoo dadka dhexdooda lagu dilayo, laguna dhex dhuumanayo, waa sida uu ku xusay Qoraalka uu soo dhigay Bartiis Face-book-ga.

Taliyihii hore ee Hay’adda NISA, waxa kale oo uu qoraalkiisa ku muujiyey in dadka dilalka geysta ay si welwel la’aan leh ugu dhex mushaaxaan Dadweynaha, ka hor intaysan geysanin falal dilka, waa sida uu hadalka u yiri.

C/raxmaan Maxamed Tuur-yare waxa uu xilka Taliyaha Hay’adda NISA hayey muddadii u dhexeysay September ee sannadkii 2014-dii  ilaa bishii June 14-dii ee sanadkii hore ee 2016-kii.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media