Waxaa maanta xilkii laga qaaday taliyihii hore ee nabad sugida gobolka Banaadir Maxamed Xasan Faarax (Faran-far) waxaana xilkaasi loo magacaabay Saadaq Cumar Xassan, kaasi oo horey u ahaa taliyihii ciidanka nabad sugida Galmudug.
Wareegto ka soo baxday Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu magacaabay Saadaq inuu noqdo Taliyaha cusub ee Nabadsugida Gobolka Banaadir.
Magcaabista taliye Saadaq ayaa timid, kadib soo jeedin ka tmid taliyaha nabad sugida Soomaaliya C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo xilkaasi markale madaxweyne Farmaajo u magacaabay.