Madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi u hogaaminaayo ayaa maanta safar lugta ah ku tagay degmada Afgooye, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyey.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheikh Aadan, masuuliyiin kale iyo dadweyne ayaa wafdiga madaxweynaha ku soo dhaweeyey Afgooye oo markii ugu horeysay farmaajo uu booqday tan iyo markii loo dortay madaxweynaha Soomaaliya.
Waxaa la filayaa madaxweynuha inuu booqdo xarumaha ciidamada dowladda ee gobolkaas, oo dagaal kula jira Ashabaab oo ku xoogan Sh/hoose