Shacabka ku nool Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa Maanta waddooyinka waa weyn ee Magaaladaasi ku daadiyay lacagta Shilinka Soomaaliga ah oo degaanada maamulkaasi aanan ka shaqaynin.
Waxaa waddooyinka waa weyn ee magaalada lagu arkayay Lacago aad u tiro badan oo waddooyinka daadsan, taasi oo ka dambeysay kaddib markii dadka shacabka ahi ay waayeen wax wax kaga iibsada lacagaha shilinka Soomaaliga ah.
Tiro dhawr jeer ah ayay dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaaalooyinkaas caabsho ka muujiyeen arrintaasi, waxaana Diidmada lacagta ay ka soo bilaabatay Puntland oo ka mamnuucday dekedda Boosaaso, inkastoo dib laga fasaxay dadweynuhu sidii ay maalintaas oo sannadkii hore ahayd u diiddeen ayeysan weli u qaadan.
Sidoo kale waxaa tani ay sababtay in Maciishadda ay kor u kacdo, iyadoo dadka danyarta ahi ay dhibaato ku noqotay, waxaana haoray Magaalooyinka waa weyn ee Puntland uga dhacay Bannaanbaxyo waa weyn oo ay dhigaeen bulshadu, taasi oo looga cabanayay diidmada Shiling Somaaliga iyo Maciishadda kor u kacday.
Puntland ayaa muddooyinkan la daalaa dhacaysa dhibaato ka dhalatay sarrif-barar, xukuumadda oo tiroba dhowrjeer go’aanno soo saartayna xal uma helin, waxaana dhacday in gebi ahaanba la diiddo shilin Soomaaliga.