Taliyaha Booliska dowlad Goboleedka Hirshabeelle ahna Taliyaha amniga doorashada G/sare Xasan Dhicisoow Xasan ayaa magacaabay Taliyeyaasha Amniga goobaha doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Magaalada Jowhar.
Wareegto uu soo saaray Taliye Xasan Dhicisoow ayaa waxaa uu Taliyaha Ciidanka sugaya amniga goobta ay ka dhaceyso doorashada Golaha Shacabka ee Jowhar u magacaabay Mukhtaar Cabdulle Nuur iyo Taliye laba xidigle Muuse Salaad Wehliye.
Taliyaha Booliska dowlad Goboleedka Hirshabeelle ahna Taliyaha amniga doorashada G/sare Xasan Dhicisoow Xasan ayaa faray Saraakiisha la magacaabay inay gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday.
Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta berri oo Isniin ah ay ka bilaabato doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Hoos ka Akhriso Wareegtada magacaabista.