Taliye Xijaar oo soo saaray Amar ku socda Ciidamada Booliska Dowladda

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa habeenkii xalay aheyd soo saaray amar ku socda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliye Xijaar ayaa faray dhammaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed in ay ku ekaadaan shaqadooda oo ah sugidda amniga Shacabka ku sugan Caasimadda dalka ee Mgaalada Muqdisho iyo hantidooda.

Qoraal uu soo saaray Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayuu ku boorriyay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed in ay si wanaagsan ula dhaqmaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Amar kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay Caasimadda dalka ay jirtay xiisad ka dhalatay muddo kordhintii la sameeyay, ayna Muqdisho ku sugan yihiin Ciidamo farabadan oo kasoo horjeeday arrintaas.

Comments
Loading...