Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo ku sugan Magaalada Garoowe ayaa saakay kormeeray xarumaha qaar kamid ah goobaha ay ka dhici doonto Doorashada xubnaha Golaha Shacabka BFS ee ka imaanaya Puntland.
Taliye Xijaar ayaa waxaa kumeerkiisa ku wehlinayay taliye ku xigeenka ciidanka booliska dowlad Goboleedka Puntland Sareeyo guuto Ceydiid Axmed Nuur, iyo sarakiil ka tirsan ciidanka Punland.
Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa kormeer ku tegay qaar kamid ah Saldhigyada Ciidanka Booliska Puntland ay ku shaqeyaan, isla markaana Saraakiisha Maamulka uga mahadceliyay sida wanaagsan ay shaqada u wadaan.
Kormeerkaan oo ujeedkiisu ahaa la socadka tayada Ciidanka Booliiska iyo sidii loo xoojin lahaa amniga inta lagu guda jiro doorashooyinka dalka, maadaama Garoowe ay ka mid tahay meelaha lagu qabanayo Doorashada Xildhibaanada ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Taliyaha Booliska ayaa horey u sheegay inay sahan ballaaran ku sameeyn doonaan deegaanada dawlad goboleedyada, si loo ogaado heerka diyaar garowga sugidda amniga doorashooyinka dalka ku soo fool leh.
Taliye Xijaar ayaa horey safarro ugu tegay Magaalooyinka Baydhabo, Dhuusamareeb, isagoona shalay gaaray Garoowe, waxaana la filayaa in socdaal kale uu tegi doono Hirshabeelle iyo Jubbaland, si uu ugu kuurgalo amniga goobaha lagu qabanayo Doorashada Xildhibaanada ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.