Taliye Sulub Axmed oo Maanta soo saaray Amar ku socda Saraakiisha Ciidamada Booliska

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa maanta shir la qaatay Taliyeyaasha Booliska, qaybta Guud ee Gobolka Banaadir, Qaybaha, Saldhigyada Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Fadhiyada Madaxa Bannaan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Shirka ayaa waxaa inta uu socday looga hadlay adkaynta amniga guud ee dalka gaar ahaan kan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, oo mararka qaarkood ay ka dhacaan weeraro iyo falal amni darro kale oo geystaan Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa Saraakhiisa Ciidanka Booliska faray in si weyn looga hortago falalka liddiga ku ah amniga, lagana feejignaado falalka loo maleegayo shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale na la labo jibbaaro dadaallada lagu sugayo amniga caasimadda Muqdisho.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacaayay dilal qorsheysan oo ay geysanayeen rag hubeysan oo watay Bastoolado, Muqdisho ayaa waxaa horey uga dhacay dilal qorsheysan iyo weeraro.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor