Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Generaal Odawaa Yuusuf Raage oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa Maanta ka baaqday safar uu ku tegi lahaa deegaano ka tirsan Gobolkaas.
Taliye Odawaa ayaa Maanta la filayay inuu safar ku tego deegaanka Buurdhuubo iyo Magaalada Baardheere, hayeeshee waxaa uu ka baaqday safarkaas, kadib markii dagaal kooban uu ka dhacay Buurdhuubo.
Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in gelinkii dambe ee galabta Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Xoogga dalka ay ku leeyihiin Buurdhuubo, isla markaana halkaas uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka iyo Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhanka Al-shabaab, kadibna ay sameeyeen howlgal amniga lagu xaqiijinayay, xaaladdana ay tahay mid degan.
Sidoo kale Xubno kala duwan oo tegay Garoonka diyaaradaha Buurdhuubo loona diyaariyay soo dhaweynta Taliye Odawaa Yuusuf Raage ayaa waxaa lagu wargeliyay in safarkii Taliyaha uu tegi lahaa halkaas baaqay, isla markaana ay dib u laabtaan.
Ugu dambeyn Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Odawaa Yuusuf ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho isaga iyo wafdi Saraakiil ah uu hoggaaminayay, kuwaasi oo saddexdii maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaa Gobolka Gedo.