Dowladda iyo M/Goboleedyada oo shir ka yeeshay Cudurka COVID-19

Wasaaradda Caddaaladda XFS iyo Wasaaraddaha Caddaaladda Doowlad Goboleedyada ayaa ay wada qabteen shir is xog wareeysi iyo wadatashi, Shirkaas oo lagu qabtay xaga aalada la Iska arko ee Zoomka, ayadoo la dhaqangalinayo talooyinka Caafimaad ee kahortaga Covid-19, waxaana Shirka furay oo hogaaminaayey Wasiirka Wasaarada Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji ayadoo ay kawada soo qeyb-galeen dhamaan Doowlad Goboleedyada.

Shirka waxaa looga hadlay arrimo badan ay ka mid yihiin iswareeysi ku aadan shaqooyinka ku aadan bahda Caddaaladda sida ay u socdaan iyo arrimaha Garsoorka guud ahaan dalka oo dhan iyo sidii aysan gaabis ugu imaan-laheyn shaqooyinka Muhiimka ah ee dhamaan Wasaaradda Federaal-ka iyo kuwa heer Doowlad Goboleed u haayaan Shacabka Soomaaliyeed, ayadoo la isku raacay in ladhameystiro Qorshaha socodsiina Shaqooyinka Wasaaradda XFS iyo dhamaan Kuwa Doowlad Goboleedyada inta lagu gudajiro xaaladahan adag.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyey dhamaan dowlad goboleedyada warbixinta waafiga ah ay ka bixiyeen dhamaan shaqooyinka kala duwan ee ku aadan Bahda Cadaaladda iyo arrimaha garsoorka ay u haayaan dhamaan shacabka soonaaliyeed meel waliba ay joogaan.

Ugu dambey Wasiir Xasan Xuseen Xaaji ayaa Wasiirada Cadaalada dowlad Goboleedyada kula dardarmaay in saro loo qaado sida la iskaga illaalin lahaa Caabuqa halista ah ee Coronavirus gaar ahaan in lagu dadaali maxaabiista ku jirta xabsiyada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media