Taliye Farxaan Qaroole oo ka badbaaday Qarax Is-miidaamin ah oo lala eegtay

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helaya qarax Is-miidaamin ah oo daqiiqado kahor ka dhacay agagaarka Isgoyska Banaadir ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir oo jugtiisa siweyn looga maqlay degmooyinka Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray gaadiid uu la socday Taliyah Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole, xili uu marayay wadada.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana ka badbaaday Taliyaha Booliska Gobolka Farxaan oo la tilmaamay in lala beegsaday kolonyo uu la socday.

Gurmad xoogan oo loo sameeynayo dadkii waxyeelada kasoo gaartay qaraxaas ayaa ka socda aaga uu qaraxu ka dhacay, isla markaana waxaa halkaas isku gadaamay Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska Haramcad.

Dad goobjoogayaal ah ayaa kusoo warramaya in Ciidanka goobta ku sugan ay kor u ridayaan rasaas xoogan oo lagu kala eryayo dadweyne farabadan oo hareeraha laamiga soo buux-dhaafiyay, kuwaasi oo laga celiyo goobta qaraxa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor