Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo weli ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa kulan la qaaty Guddiga maamulaya Doorashooyinka Jubbaland.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Guddiga doorashooyinka kula dardarmay in ay howsha doorashada ee Xilldhibaanada Baarlamaanka Federaalka u maamulaan si hufan oo caddaalad iyo daahfurnaan leh.
Guddiga maamulaya Doorashooyinka ka dhacaya Magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarey ee Jubbaland ayaa shalay doortay Guddoomiyaha Guddiga iyo ku-xigeenkiisa, kadib kulan gaar ah oo ay yeesheen.
Siyaad Maxamed Mursal ayaa ku guuleystay oo loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka dowlad Goboleedka Jubbaland, halka ku-xigeenkiisa loo doortay Cabdiqaadir Maxamuud Dhaqane.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Kismaayo, isagoona halkaas ka wada kulamo kala duwan, kuna sii jeeda Garbahaarey.