Taliye Cali Gaab oo ka hadlay Qaraxii uu ka badbaaday

Taliyaha hogaanka Caafimaadka ee Booliska Soomaaliyeed Cali Xirsi Bare Cali Gaab ayaa ka hadlay qarax saakay lala eegtay gaari uu leeyahay, kaasi oo ahaa nooca ay soo soomaalida u taqaano qooqan oo ay la socdeen Ciidamo Ilaalo u ahaa isaga.

Taliye Cali Gaab oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in gaarigiisa qarax miino lagula eegtay inta u dhexeeysa Isgoyska Banaadir iyo Garaashka Wakaaladda, isla markaana isaga xiligaas uusan la socon.

Waxaa uu sheegay Taliye Cali Gaab in qaraxa gaariga lala eegtay xiliga isaga la geeyay goobtiisa shaqo, kadibna uu gaariga kasoo laabtay, uuna doonayay in lagu soo qaado sarkaal kale, hayeeshee uu qarax qabsaday.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu tilmaamay in qaraxaas uu ku dhintay hal Askari oo ka tirsanaa ilaaladiisa oo lagu magacaabi jiray Zamsa Maxamed Axmed, halka saddex kalena uu dhaawac soo gaaray, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad.

Taliyaha hogaanka Caafimaadka ee Booliska Soomaaliyeed Cali Xirsi Bare Cali Gaab ayaa sheegay in isaga uu Caafimaad qabo, isla markaana aysan jirin wararka qaarkood oo sheegayay in isaga waxyeelo kasoo gaartay qaraxa.

Magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Isgoyska Digfeer ee Degmada ee Gobolka ayaa waxaa maalmo ka dhacay qarax miino dhulka lagu aasay oo la doonayay in lala eegtay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowladda, hayeeshee uu ka badbaaday, balse waxaa waxyeelo ay kasoo gaartay dad shacab ah.

Comments
Loading...