Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada lagu faafiyay Muuqalo lagu sheegayo in Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile uu Isbitaal ku yaalla Muqdisho kala baxay Bukaan ku xanuunsaday Gudaha Isbitaalka.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa shaqadii looga joojiyay Taliyihii Xabsiga Dhexe ee Xamar Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile.
Afhayeenka Ciidanka Asluubta oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in shaqo joojiyay lagu sameeyay Jeneraal Xirsiile oo ahaa Taliyihii Xabsiga Dhexe ee Xamar.
Sidoo kale Afhayeenka ayaa waxaa uu tilmaamay Guddi baaritaano ah loo xilsaaray Eedeyntii loo jeediyay Taliye Xirsiile, taasi oo ku aadan inuu Isbitaalka ku yaalla Muqdisho kala soo baxay bukaan Xabsiga Dhexe ku xanuunsaday oo ay dhakhaatiirta Xabsiga sheegeen inaan wax looga qaban karin isbitaalka ku yaal gudaha xabsiga.
Qoyska Bukaanka geeriyooday ayaa sheegay in Taliyaha Xabsiga Dhexe oo adeegsanayo awood ciidan uu xoog ku galay Isbitaalka uu Bukaanka jiifay, isla markaana uu kala soo baxay, sidaasina uu ku geeriyooday.