Taliyaha Ciiddanka Asluubta iyo Xabsiyadda Soomaaliyeed, Jeneral Bashiir Maxamed Jaamac ayaa ka qeybgalayo Shirweynaha Calaamiga ee Arrimaha Xabsiyadda oo haatan ka socda magaalladda Cambera ee dalka Australia.
In ka badan 130 Taliyayaal ka kala socda dalalka Caalamka ayaana isugu yimid kulankaasi, oo diiradda lagu saarayo Xaalladda Maxaabiista, Wanaajinta qolalka lagu xiro iyo in Maxaabiista la baro Xirfado ay ku shaqeysan karaan, gaar ahaan Farsamadda Faryaamadda ama Nijaarka, Beeraha, Kalluumeysiga iyo Adeegga Guud. Taliyayaasha waxay is-weydaarsanayaan Khibradaha Horumarinta Nolosha Maxaabiista, Xoojinta Sharciga iyo in la tayeeyo Nidaamka Maamulka ee Xabsiyadda.
Dhinaca kale, Taliyaha Ciiddanka Asluubta iyo Xabsiyadda Soomaaliyeed, Jeneral Bashiir Maxamed Jaamac waxa uu Kulamo kala gaar ah la yeeshay dhigiisa dalalka Australia, Japan iyo Jarmalka oo uu kala hadlay  Isdhaafsiga Khibradaha, Tababarka Ciiddanka Ausluubta iyo Horumarinta Xaalladaha Xabsiyadda Somalia.
©Radio Dalsan              Â