Dad ku geeriyooday Qarax lala beegsaday Xarunta lagu Ciyaaro kubadda Cagta

4 qof ayaa ku geeriyootay, 4 kalena wey ku dhaawacmeen Qarax Fiidnimadii xalay lala beegsaday Xarunta Naadiga Ciyaaraha ee Al-Amiiriyah ee dalka Sudan.

Dadka ku geeriyooday weerarkaasi waxaa ka mid ahaa Hooyo iyo ilmo yar.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dabley aan la aqoonin ay Bam gacmeed ku weerareen dhismaha uu Naadigaasi ku leeyahay Xaafadda Salboona ee magaallo xeebeedka Port Sudan ee Walaayadda Baxrul-Axmar ee kaabiga ku haysa xeebta Badda Cas.

Dableyda weerarka geystay oo tiradooda lagu sheegay ilaa 3 qof ayaa waxay kaloo toogasho ku dhaawaceen 2 kale oo ka cararay Xarunta la weeraray.

Dhinaca kale, Dhallinyarada Xaafadda uu dilku ka dhacay waxaa u suurto-gashay inay naafeeyaan Mooto ay ku baxsan lahaayeen dableydii, waxayna gacanta ku dhigaan mid ka mid ah dablaydii, halka ay labada kalena orod ku baxsadeen.

Hadal ka soo baxay Boliska magaalladda Port Sudan waxay sheegeen inay wadaan Baaritaanka kooxdii weerarka geysatay, iyagoo Xog-wareysi la leh Shaqsiga ka midka ahaa dableyda ee gacanta lagu dhigay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor