Wafdi Saraakiil ah oo uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle ayaa safar isu Jira kormeer iyo dhiiri gelin ku tegay Xerada ciidanka Arbacow oo gobalka Shabeellaha Hoose.
Xeradan ayaa fariisin u ah cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka waxaana halkaa saraakiisha ku Soo dhameeyay Taliyaha guutada 14 October ee Ciidankan Xoogga dalka G/le dhexe Nuur Maxamed Gaabow (Nuur-farey).
Taliyaha ayaa khudbad u jeediyay guutada 14 October oo maalmihii la Soo dhaafay howlgallo lagula dagaalamayo Al-Shabaab ka weday qaybta ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Taliyaha ayaa Ciidanka u sheeegay in la doonayo in kaalin mugleh ay ka qaataan la dagaalanka Al-Shabaab, waxa uuna faray Ciidankan iyo saraakiishooda in la dedejiyo dagaalka lagula jiro Shabaab ee ka socda Shabeellaha hoose.
Kormeerka taliyaha ku tagay xerada Arbacow ee kutaalla gobolka Shabeelaha Hoose ayaa kusoo aadeysa xilli shalay Al Shabaab weerar culus ku qaadeen xero ciidanka dowladda kaga sugnaayeen deegaanka katirsan Sh. Hoose laguna dilay saraakiil ciidan.