Saraakiil Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo uu horkacayay Taliyaha Ciidanka Booliska Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Safar Kormeer iyo u kuurgelid ah ugu ambabaxay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo uu dhawaan ku fatahay webiga Shabeelle.
Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda ayaa kormeeray saameeynta Fatahaada iyo xaaladaha Amaan ee Degmada Afgooye, isaga oo tagay Saldhiga Booliska iyo Taliska Daraawiishta Afgooye.
Sidoo kale Taliye Xijaar ayaa warbixin ka dhageystay Guddoomiyaha Degmada, Taliyaha Saldhiga Degmada iyo Taliska Daraawiishta, maadaama ay Ciidanka Daraawiishtu hada la howlgalaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn Taliyaha ayaa Saraakiisha kula dardaarmay in ay sugaan amniga, isla markaana u gargaaraan dadka ay fatahaadu saameysay si mucaawinada Dowladdu ay si xasiloodi ah ugu gaarto shacabka.