Ciidanka Dowladda oo sheegay inay dileen xubno ka tirsan Al-shabaab

Ciidanka kumaandooska Xoogga dalka ee DANAB ayaa howlgal ka dhan ah Al-shabaab waxaa ay ka fuliyeen degaanka Koban oo hoostaga degmada jamaame ee Gobolka Jubada hoose.

Howlgalka ayaa ciidanka waxeey ku dileen Sarkaal la sheegay inuu Shabaab u qaabilsanaa Maaliyada gobolka Jubada hoose kaasi oo lagu  magacaabiisa lagu sheegay Cali Garwayne iyo xubnola socday, sida uu Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida usheegay Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin.

Taliyaha ayaa sidookale tilmaamay in ciidanka sidookale ay wadada udhexeeysa jamaame iyo Kismaayo  kasoo saareen miinooyin ay wada galiyeen Al-shabaab kuwaasi oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka isticmaala wadadaasi, waa sida uu hadalka u dhigay.

G/le Ismaaciil ayaa sheegay in howlgalka bur-burinta uu socda islamarkaasna ujeedkiisu yahay sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaanada Gobolka Jubbada Hoose kaga sugan sugan yihiin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media