Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa ka warbixiyay sababta keentay inay isku dhacaan qaar kamid ah ciidanka asluubta iyo ilaala la socotay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.
Waxaa uu sheegay in dhacdadaasi ay ahayd mid lama filaan ah oo aysan ku talo gal ahayn.
Taliyaha ayaa intaa ku daray in ciidanka asluubta ay ku khaldameen ciidamada la socday madaxweynihii hore ee dalka oo wadada marayay taas oo uu raali gelin ka bixiyay.
Ma jiraan wax khasaara ah oo ka dhashay rasaasta lagu furay kolonyada, waxaana horay dowladda Soomaaliya ay shaacisay in guddi Baaritaan ah u saartay dhacdaadaasi, iyadoo wasiirka Caddaaladda xukuumadda xilgaarsiinta uu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu guddigu u hawlgali doono.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa lagu rasaaseeyay agagaarka maxkamadda gobolka Banaadir, xilli uu ku wajahnaa shir ay wada lahaayeen Midowga Murashixiinta.