Taliska cusub ee AFRICOM oo sheegay inay ka hortagayaan Isballaarinta Daacish ee Geeska Afrika.

Madaxweyne Obama oo Taliye cusub u soo magacaabay Taliska Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika.

Taliyaha cusub ayaa lagu magacaabaa Jeneral Tomas Waldhauser, kaasi oo beddeli doona Jeneral David Rodriges oo Hawlgab ka noqonayo Hawlaha Milliteriga.

Taliyihii hore ee Taliska AFRICOM, Jeneral David Rodriges waxa uu bilowgii bishan sheegay in Maleeshiyo gaaraysa ilaa 6-kun oo ka tirsan Daacish ku sugan yihiin dalka Libya.

Mar uu ka hadlay Ammaanka Geeska Afrika, waxa uu Alshabaab ku tilmaamay Khatarta ugu weyn ee ka jirta gudaha Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inay la shaqeeyaan shanta waddan ee Ciiddamadda ka joogaan Somalia, isla markaana ay horumarinayaan Awoodda Ciiddanka Qaranka Somalia.

Taliska AFRICOM waxay Saldhig ballaaran ku leeyihiin Jabuuti, halkaasi oo laga soo abaabulo Duqeymaha lala beegsado Saraakiisha iyo Fariisimadda Alshabaab iyo Hawlaha Loojistikadda ee lagu bari-taaro Ciiddanka AMISOM ee Dagaalka kula jira Alshabaab.

Si kastaba ha ahaatee, Taliyaha cusub ee Taliska Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ayaa lagu wadaa inuu dejiyo Istaraatijiyad cusub oo looga hortagayo Isballaarinta Daacish ee Guud ahaan Qaaradda Afrika, gaar ahaan Geeska Afrika.AFRICOM AFRICOM1©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor