Taliyaha Taliska Ciiddanka Maraykanka ee jooga Qaaradda Afrika (AFRICOM), Jeneral David Rodriguez ayaa hadalkaasi ku sheegay mar uu Khadka Isku-xirka  ee Via a Video Connection kaga jawaabayey Barnaamijka Live At State oo ay in ka badan 60 Suxufi  su’aallo ku weydiinayeen.
Isagoo  ku sugan Xarunta Dhexe ee AFRICOM oo ku taalla magaalladda Stuttgart ee dalka Jarmalka ayaa waxaa wax laga weydiiyey Hawlgalka AMISOM iyo Hawlgalladda Alshabaab ee haatan sii laba lixaadsanayo.
Saxafi u dhashay dalka Kenya oo lagu magacaabo Kevin Kelley, kana tirsan Kooxda Warbaahinta The Nation Media Group ayaa waxa uu Taliyuhu weydiiyey sidee ayaad u qiimeeysaan Awoodda Alshabaab iyo weeraradda sii socda ee ay ka geystaan gudaha iyo dibedda Somalia.
General Rodriguez waxa uu xusay in  awooddii Alshabaab horey loo wiiqay, isla markaana ay Ciiddanka AMISOM  la wareegeen dhul badan oo ay Alshabaab ka haysteen Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.
Taliyaha Taliska Ciiddanka Maraykanka ee jooga Qaaradda Afrika (AFRICOM), waxa uu intaasi ku daray inay Alshabaab weeraraan goobaha ay u arkaan inay awoodaan inay waqti kasta weeraraan ee ku yaalla gudaha Somalia iyo Kenya.
Waxa uu tusaale ahaan u soo qaatay weerarkii ay Alshabaab dhawaan ku qaadeen Ciiddanka Burundi, ee lagu dilay in ka badan 50 Askari oo Burundian ah.
Mar uu ka hadlayey Waxqabadka AMISOM waxa uu tilmaamaay inuu dadaalkooda degdeg ku socdo, isla markaana ay wadaan shaqo wanaagsan oo hoos loogu dhacay awooddii waxyeelladda ee lagala kulmi jirey Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.
“Taasi micnaheedu  ma aha  inaysan Alshabaab weli khatar ahayn, marka loo eego weeraraddii ay geysteen maalmihii la soo dhaafay†ayuu yiri Jeneraalkaasi.
Xigasho: AFRICOM
© Radio Dalsan