Taliska Ciidanka xoogga oo sheegay in ay fashiliyeen tiro qaraxyo ah

Taliska Ciidanka xoogga ee ku sugan dedgaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in ay sameeyeen howlgallo ay kusoo saareen miinooyin lagu aasay waddooyin muhiim u ah isku socodka Gobolka Shabeellaha hoose.

Gashanle Ahmed Maslax Xuseen Taliyaha   ururka 66aad  ee guutada 14 octobar oo wareysi siiyay Raadiyaha Dalsan ayaaa sheegay in howlagaladaas ay ku guuleysteen soo saaridda wax yaabaha  qarxa oo sida uu sheegay Al-shabaab ay ku aaseen qaybo ka mid ah waddooyin soo gala  Awdheegle.

Ciidanka ayuu sheegay in dhawaanahaan ay kordhiyeen howl galada ay ka sameynayaan Gobolkaas, waxaana uu sheegay in ay Fashiliyeen Miinooyin lagu aasay waddooyin halbowle u ah isku socodka degaanada Shabeellaah dhexe.

Dadka degaanka ayuu ugu baaqay in ay ka gacan siiyaan  sidii ay amaanka u xaqiijin laahayeen, ayna si dhaw ula shaqeeyan Ciidanka howlhgalada ka wada Gobolka Shabeellaha hoose.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media