Taliska Booliska oo Xaqiijiyay in ay gacanta ku dhigeen kooxo maanta weeraro ka gaystay Muqdisho

Ciidamada Amniga ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen kooxo Weerar Bambooyinka gacanta loo adeegsaday ku qaaday Saldhigyada Boliiska qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Afayeenka u hadlay Booliska ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in weeraradaasi ay dhaceen, koox uu ku sheegay argagixiso ayuu tilmamay ah ay weerartay Saldhigyada Boliiska Wadajir, Hodan, Howl wadaag iyo Boondheere.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in  gacanta lagu dhigay maleyshiyaadkii weerarka soo qaaday Warbaahintana loo soo bandhigayo.

Afayeenka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Boliisku qabtay 7 Ruux oo ku eedeysan inay soo weerareen Saldhigyada Boliiska.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor