Taliska Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay Weeraro ku bilowday Qaraxyo Is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaadiid laga buuxiyey walxo qarxa oo saqdii dhexe ee xalay ka dhacay Saldhiga degmada Kaxda iyo deegaanka Daaru-salaan.
Afhayeenka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo wareysi siiyay BBC-da ayaa u sheegay in weeraro qaraxyo ku bilowday lagu qaaday Saldhigyada Booliska Kaxda iyo deegaanka Daaru-salaan ee Gobolka Banaadir , isla markaana Ciidanka Booliska ay iska difaaceen weeraradii lagu soo qaaday labada Saldhig.
Wuxuu sheegay Afhayeen Cabdifitaax Aadan in weerarada ay ka dhasheen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, ayna wadaan tirada koob ku aadan khasaaraha ka dhashay weerarka, oo jugtooda siweyn looga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka.
Afhayeenka Booliska ayaa waxaa uu tilmaamay in gaadiid haleysan oo yaallay gudaha Saldhiga degmada Kaxda ay qaateen raggii hubeysnaa ee weerarka soo qaaday, isagoona Carabka ku dhuftay inay faah faahino dheeraad ah ka bixin doonaan wixii xalay dhacay.
Sidoo kale Afhayeen Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa intaas kusii daray in laamaha amniga ay ka hortageen weerar kale uu ku tilmaamay fowdo oo ka dhici lahaa deegaanka Ceelaha Biyaha ee duleedka Muqdisho, ayna dadkii ka dambeeyay falkaas ku daba jiraan.
Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weeraradii xooganaa ee xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, maadaama ay dhaceen weerarada saqdii dhexe ee xalay oo badi dadka kunool Caasimadda Muqdisho ay hurdayeen.