Jubbaland iyo Galmudug oo shaaciyay Jadwalka Doorashooyinka kuraas hor leh

Guddiyada doorashooyinka dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug ayaa shaaciyay Jadwalka doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay  labada maamul.

Qoraal uu soo saaray Guddiga doorashada Galmudug ayaa lagu sheegay inay qabanayaan doorashada saddex kursi oo tirsigoodu kala yihiin HOP#147, HOP#035 iyo HOP#055, isla markaana diiwaan-gelinta Musharaxiinta ay bilaabaneyso Maanta.

Guddiga doorashada ayaa shaaca ka qaaday in doorashada kuraastaas ay Magaalada Dhuusamareeb ka dhici doonto 17-ka bishaan oo maalinta berri ku beegan, waxaana socda diyaar garoowga ku aadan doorashada kuraasta Golaha Shacabka.

Sidoo kale Guddiga doorashada Jubbaland ayaa soo bandhigay jadwalka doorashada saddex kursi oo labo ka mid ah Haween kaliya loo xiray, waxaana doorashadooda dhaceysa maalinta jimcaha oo ku beegan 18-ka bishaan, sida ku Cad Jadwalka.

Maamulka Jubbaland ayaa muddo laba todobaad ah hakad geliyay qabashada doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoona haatan dib u bilaabaya doorashada Golaha.

Hoos ka Akhriso Jadwalka Doorashada kuraasta Galmudug.

Hoos ka Akhriso Jadwalka Doorashada kuraasta Jubbaland.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor