Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Taliyaaniga ayaa sheegay in 48-dii saac ee la soo dhaafay ay badwaynta Mediterranean-ka ka soo badbaadiyeen 600,000 oo Muhaajiriin afrikaan ah.
Mid ka mid ah muhaajiriinta la soo badbaadiyey ayaa u sheegay saraakiisha inay xeebaha Liibiya ka soo raaceen Doonyo macmal ah oo halis ku ah safarka dheer ee Badda .
Dadkan Tahriibayaasha ah ayaa la sheegay inay ku jiraan dad ka soo jeeda Wadamada Itoobiya, Uganda, Soomaaliya, Tanzania, Kenya iyo dalal kale, waxaana la sheegay inay doonayeen in ay u socdaalaan Yurub, si ay uga dhabeeyeen hamigooda .
Ciidamada ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay sare u kacday tirada Muhaajiriinta ka imaanaya waqooyiga Afrika, iyadoo haatan baddu ay tahay mid degan.