Nin xaaskiisa ku dilay kabo

Nin Kenyan ah ayaa Xabsiga loo taxaabay, kadib, markii la sheegay inuu xaaskiisa ku garaacay kabihiisa ilaa ay ka geeriyootay.

 

Ninkaasi oo 29-jir ah ayaa ku xiran Saldhigga Boliska ee Serem ee Degmadda Vihiga, iyadoo ay dadka deegaanka la yaabeen qaabka uu ninkaasi u dilay xaaskiisa.

Shilkaasi oo dhacay Khamiistii la soo dhaafay ayaa la sheegay in ninka falka geystay oo lagu magacaabo Collins Vutiti uu isagoo sarqaansan yimid hoygiisa, kadibna uu la murmay xaaskiisa, intaanu ku garaacin kabihii uu watay.

Gacan-ku-dhiiglaha oo ay gacanta ku hayaan Boliska ayaa loo diiwaan geliyey inuu aroornimaddii arkay, xaaskiisa oo mayd ah oo jiifta sariirteeda.

Boliska Saldhigga Serem oo booqaday hoyga uu dilku ka dhacay ,waxaana weli socda baaritaanka sababta ay u geeriyootay haweeneydaas oo la oran jirey Jackline Mbusumbu

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor