Taabid Cabdi oo Baaq Deg-deg ah u diray Dowladda iyo Hirshabeelle

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay cabsida laga qado inuu fatahaad sameeyo webiga shabeelle, maadaama la gudagalay xiliga roobka Gu’ga.

War qoraal ah uu soo saaray Taabid Cabdi ayuu ku sheegay in Xaaladda webiga Shabeelle aad looga deyrinayo, ayna dadka ku sugan Baladweyne soo sheegayaan in webiga qar-dhaaf bilaabay, halisna ka imaan karto.

Duqii hore ee Muqdisho ayaa u mahadceliyay Maamulka Gobolka Hiiraan oo bilaabay dadaallo looga hortego fatahaada ka dhalan karta Webiga Shabeelle.

Dowladda Federaalka Soomaaliya  iyo D. Gobolleedka Hirshabeelle ayuu Taabid Cabdi ugu baaqay in si deg-deg ah ugu istaagaan sidii looga hortagi lahaa fatahaadda webiga inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

“October 2019 ayay aheyd markii fatahaadda webiga Shabeelle uu qasaaro ba’an gaarsiiyay dhowr magaallo, haba ugu sii darnaatee Beledweyne. Waa wax aad looga naxo in aanan waxba laga baran, waxnana laga qaban dhibtii dhacday, iyada oo balanqaadyo waa weyn la sameeyay billoooyin kahor” ayuu yiri Taabid Cabdi Maxamed.

Sanad walba ayaa Wabiga Shabeelle ee mara Gobolada labada Shabeelle iyo Hiiraan waxaa uu sameeyaa fahataado sababa inay dad badan barakacaan, waxaana sanadkii tegay ee 2019-kii fatahaadii dhacday ka dhashay Khasaaro isugu jiray Naf iyo maal intaba.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media