Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Magaalada Baydhabo gaarsiisay Agab iyo dawooyin Caafimaad, kuwaasi oo looga talagalay in looga hortego faafida Cudurka Coronavirus.
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda ayaa sheegtay in Agabka iyo dawooyinka Caafimaad la geeyay xarunta karantiilka ee COVID-19 oo Maamulka Koonfur Galbeed uu ka hirgeliyay Magaalada Baydhabo.
Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa dowladda Federaalka uga mahadceliyay Agabka Caafimaad oo ay soo gaarsiiyeen, isla markaana sheegay in agabka uu muhiim yahay xiligaan, maadaaama uu dalka ka jiro COVID-19.
Dowladda Federaalka ayaa kal horey dhamaan maamul Goboleedyada dalka iyo Somaliland ku wareejisay qalab Caafimaad oo looga talagalay in looga hortego faafida Cudurka Coronavirus.