Sweden oo balan qaad Cusub u sameeysay Dowladda Soomaaliya  

Siihayaha Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj. Cacbdullaahi Cali Xasan ayaa xafiiskiisa ku Qaabiley Safiirka dawladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Staffan Tillander.

Wasiir Cabdullaahi Cali ayaa sheegay inuu Safiir Staffan uga warramay horumarka laga sameeyey dhinacyaddii shuruucda, siyaasadaha, dhiiri-gelinta maal-gashiga, warshadaha, iyo fududeynta ganacsiga.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay siddii dawladda Sweden ay dal ahaan uga taageeri laheyd ka mid noqoshada ay Soomaaliya doonayso inay ku biirto Ururka Ganacsiga Aduunka.

“Safiirku, wuxu noo balan-qaaday inuu nagala shaqeyn doono ka miro dhallinta arrintaas isaga oo si aada u soo dhaweeyey dedaalada bilowga ah ee wakhtigan ay Wasaaraddu arrintaas ka sameysay” ayuu yiri Wasiir Cacbdullaahi Cali Xasan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media