Kheyre oo ka hadlay ansixinta heshiiskii Doorashada 2020/2021

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay ansixinta heshiiskii dhawaan laga gaaray Doorashada dalka 2020/2021 oo Maanta ay meel-mariyeen Xildhibaanada labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka.

Kheyre oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku boggaadiyay Go’aankii Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka sida wadajir ah aheyd ugu ansixiyeen heshiiska doorashada, isagoo xusay in Tallaabadaas dalka ay u  jiheyneyso dariiqii Doorashada.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre  ayaa ku baaqay in nidaamka Doorashada dalka ka dhaceysa uu noqdo mid loo dhan yahay, isla markaana  daah furan oo u qabsoonta si xor iyo xalaal ah.

“Waxaan bogaadinayaa go’aanka ay labada gole ee baarlamaanku wadajirka ugu ansixiyeen heshiiska doorashada. Tallaabadaas ayaa dalka u jiheyneysa dariiqii doorashada. Waxaan ku baaqayaa in nidaamka Doorashadu uu noqdo mid loo dhanyahay, daah furan oo u qabsoonta si xor & xalaal ah” ayuu yiri Kheyre.

Xasan Cali Kheyre  ayaa ku dhawaaqay inuu yahay Musharax Madaxweynaha dalka Soomaaliya, isagoo tan iyo markii uu shaaciyay inuu Musharax yahay Muqdisho ka bilaabay kulamo kala duwan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media