Jimcihii la soo dhaafay Labo Saxafi oo u shaqeysa Telefishinka Somali Channel ayaa lagu xiray Garoonka K/cagta ee Koonis Istadiyam ee magaalladda Muqdisho.
Boliska baarayey dadka iyo qalabka ay watay ayaa Suxufiyiintaasi xiray, kadib, markii Eeyda u Tababaran Baaritaanka Qaraxyadda ay muujiyeen in Kameraddii ay wateen Weriyayaashaasi yihiin kuwo looga shakisan yahay inay lagu soo qariyey Waxyaabaha qarxa.
Ilo-wareedyo ayaa u sheegay Radio Dalsan inay Eeyda Tababaran ay labo jeer baareen Kaameeradda, isla markaana ay muujiyeen inay Kameeradda miineysdan tahay.
Boliska waxay durbadiiba Xabsiga u taxaabeen Labada Weriye oo lagu kala magacaabo Axmed Yuusuf Saleebaan iyo Axmed Yuusuf Jimcaale, kadib, markii ay Eedeyda Tababaran ka shakiyeen Kameeradii ay ku shaqeynayeen.
Khubarada Ammaanka ayaa sheegay inuu Xariga Suxufiyiinta ka dhashay cillad ka timid Eeyda Tababaran oo ay Ciiddanka Ammaanka u adeegsadaan Baaritaanadda Qaraxyadda, Daroogadda iyo Fal dembiyeedyada kale.
Eeyda Boliska Caalamiga la shaqeeya waxay leeyihiin Jadwal Saacado ay shaqeyaan, balse, kuwa ay ku hawl galaan Boliska Somalia iyo Ciiddanka AMISOM waxay hawl galaan saacado badan oo nasasho lahayn, taasi oo keeni karta qaladaad ka yimaada Baritaanadooda.
Waxaana tusaale loo soo qaadan karaa qaabka ay Eeyda uga been sheegeen baaritaankooda Kameeradda Suxufiyiinta Somali Chanel ee Jimcihii hore la xiray, inkastoo labo maalin kadib damiin lagu sii daayey.
©Radio Dalsan