Suuqa Ganacsiga ee ku yaalla Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee dhinaca maamulka Puntland ayaa waxaa uu xiran yahay maalintii saddexaad sida ay sheegeen qaar kamid ah Ganacsatada Suuqaas.
Sababta ugu weyn ee uu u xiran yahay Suuqa ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii Ganacsatada ay Wasaaradda Maaliyada dowlad Goboleedka Puntland kusoo kordhisay lacag Canshuur dheeraad ah oo aysan awoodin.
Qaar kamid ah Ganacsatada Suuqa oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay u sheegeen inay cabasho ka yihiin lacagta dheeraadka ah ee lagu kordhiyay ee Canshuurta, iyaga oo tilmaamay in markii hore laga qaadi jiray oo kaliya Kastamyada waaweyn.
Sawirro laga soo qaaday Suuqa Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa muujinayay in gabi ahaan uu suuqa yahay mid xiran, isla markaana xitaa uusan ka jirin isku socodka dadka.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Puntland oo ay uga hadlayaan Cabashada ay muujinayan Ganacsatada Suuqa Wadooyiga Magaalada Gaalkacyo, waxaana ilo xog ogaal ay ay sheegayaan in Suuqa la xiray maalmitii Khamiista aheyd ee lasoo dhaafay.