Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka kula kulmay odayaasha dhaqanka Galmudug.
Guddiga oo malmahaan wacyigalin iyo wadayashiyo u joogay Galmudug ayaa la kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay Odayaasha Dhaqanka ka mid yihiin.
Guddiga ayaa Odayaasha dhaqanka la wadaagay warbixin dhinacya badan taabanayso oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka sida sharuucda la xariirta Doorashooyinka iyo sida uu Guddiga farsamo ahaan ugu diyaargaroobay taabbagalinta doorasha xor iyo xalaal ah.
Guddoomiyaha GMDQ ayaa sheegtay in odayaasha dhaqanka ay door muhiim ah ka qaataan midnimada iyo nabadeynta bulshada, sidoo kale G. Xaliima ayaa ka codsatay Odayaasha in qayb muhiim ah ka qaataan wacyigalinta bulshada gaar ahaan arimaha doorashooyinka.
Ugu danbayn Odayaasha dhaqanka ayaa su’aala quseeyay arrimaha doorashooyinka waydiiyay xubnaha GMDQ iyadoo uu Guddiga ka jawaabay Su’aalihii la waydiiyay.