Oogtii hore ee saakayto, ugu yaraan 17qof ayaa ku geeriyootay, in ka badan 50-kalena wey ku dhaawacantay, kadib, markii uu qarax ka dhacay Suuq lagu iibiyo Khudaarta oo ku yaalla W/galbeed ee dalka Pakistan, kuna dhow Xuduudka Afganistan.
Qaraxaasu ayaa waxa uu gilgilay Suuqa Eidah oo ku yaalla Degmadda Parachinar ee Caasimadda u ah Kurram, xilli ay dadku iibsanayeen Khudaar iyo Furuto.
Ciiddanka Ammaanka ayaa isku gedaamay goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana weli socda baaritaano, mana jirto Kooxx sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi.
Ikramullaahi Khaan oo ah Sarkaal ka tirsan Deegaanka ayaa sheegay inay u eg tahay in Bamba lagu qariyey mid ka mid ah Sanaadiiqda Khudaarta lagu kaydiyo.
Ma aha markii ugu horreysay ee Suuqaasi lala beegsado qarax, iyadoo qarax ka dhacay 2 sanno ka hor lagu dilay 25-qof, laguna dhaawacay 70-kale.
©Radio Dalsan