Suudan oo Codsatay dhex-dhexaadin Afar geesood ah si loo xalliyo Khilaafka

Suudaan waxay ka digtay abaabulka hal dhinac ah ee Itoobiya wado kaasi oo ay ku samaysanayso biyo xireenka Renaissance Dam ee wabiga Niil, waxayna Suudaan ugu baaqday Qaramada Midoobay, Midowga Africa iyo iyo Mareykanka inay dhex-dhexaadiyaan khilaafaadka taagan ee ka dhashay isticmaalka biyaha wabiga ee biyo xireenka Ethiopia.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suudaan Maryam Al-Sadiiq Al-Mahdi ayaa ugu baaqday Midowga Afrika in ay qaadaan tallaabooyin la taaban karo oo lagu xallinayo khilaafka ka taagan Biyo-xireenka Renaissance ee ay wado Dawladda Ethiopia, ka hor inta uusan khilaafku gaarin meel adag.

Maryam Al-Mahdi ayaa waxay sidoo kale magaalada Kharthoum kula kulantay safiirka midowga afrika u fadhiya Suudaan Mohamed Belaysh,  iyadoo u sheegtay Ethiopia ay ku fashilantay in ay u hogaansanaato sidii loo gaari lahaa heshiis ku saabsan sidii dalalka ku teedsan wabiga ay ka heshiiyaan qaabka loo isticmaalayo biyaha wabiga.

Suudaan waxay sheegtay in dhismaha biyo xireenka wabiga Niil ee Ethiopia ay tahay arrin khatar gelineysaa malaayiin shacabka reer Suudaan ah, iyadoo ka digtay in tallaabada ay noqon karto mid lagala kulmi doono cawaaqib xumo aan wax laga qaban karin mustaqbalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor