Iyadoo dalka uu isku diyaarinayo doorashadda guud ayaa waxaa soo baxaya beelo qaar oo sheegay in ay walaac ka muujinayaan, kamid noqoshadda Aqalka Sare ee dalka.
Bishaan aan ku guda jirno ayaa waxaa dalka uu gali doonaa, dorasho taasoo wax badan ka duwanaan doonta midi hore.
Hadda qoraal ay soo saareen beesh dagoodiye ayaa waxaa uu u qornaa siddan: Annagoo ah Suldaan Cabdi Xuseen Cabdulle, kana mid ah 135ta oday dhaqameedka Soomaaliyeed, aqoonyahanka, wax garadka, haweenka, dhallinyarada, qaybaheeda kala duwan ee beesha Dagoodiye waxaan si qayaxan u sheegaynaa dulmiga ka soo bilowday Xilligii Carta iyo Imikati welina lagu wado oo ah in nala duudsiyey xubintii aan ku laheyn Baarlamaankii soo jiray oo aan xaq u lahaeyn sida beelaha kale ee Soomaaiyeed hadana nala duudsinayo xubinta Aqalka Sare.
Waxaan dhowr jeer kulammo guud iyo kuwo gaar ah la yeelanay beelaha Soomaaliyeed gaarahaan beesha Hawiye iyagoo ka damqaday sad bursiga nalaku sameeyay, waxayna 30ka oday dhaqameed ee beelaha Hawiye ee ka tirsan 135ta oday dhaqameedka Soomaaliyeed saxeexeen qoraal ay kaga codsanayaan madaxda sare ee dawladda in ay beeshaan xaqeeda laga siiyo Aqalka Sare, beesha Dagoodiye oo ku raja weyneyn ka mid noqonshaha hab qaybsiga Aqalka Sare.
Madaxweynaha Mudane Hassan Sheikh markii ay Dagoodiye la kulmeen oo aan u sheeganay cabashadeena wuxuu noo balanqaaday in uu wax ka qabanayo xaqeenana aynu helidoono wuxuu naguyiri Inshallah Aqalka Sare waad soo galaysaan iyadoo weliba ay ahayd maalmihii ugu dambeeyay ee bishii Ramadaan.
Waxaan halgan ku wadajirnay beelo Soomaaliyeed oo ka maqnaa Baarlamaanka Feredalka balse hadda laga siiyay xubno Aqalka Sare beelahaas waxaa ka mid ah: Jambeele oo ka soo galay Puntland, iyo Cawrmale iyo Geri oo ayagana ka helay min halkursi Jubaland.
Waxaa wax laga xumaado ah in beesha Dagoodiye ay ku dhex qaddo beel weynta Hawiye, Cadaaladarrada qayaxan waa waxa looga fadhiyo in uu Madaxweynahu xalliyo si loo helo Cadaalad iyo sinnaan ummada Soomaaliyeed dhexdeeda ah.
Qoraalkaan ayaa waxaa qeybihiisa dambe ku saxiixan Afhayeenka Guud ee Beesha Dagoodiye, Mudane Cabdi Maxamud Adan – Cabeey,