Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sudan waxay maanta beeniyeen warar lagu sheegay inay Golaha Milliteriga ee haya Talada dalkaasi ku gacan-sayreen qaabilaadda Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Qatar, Maxamed Bin C/raxmaan Bin Jaasim Al-thaani oo shalay booqasho ku tegay magaalladda Khartuum.
Hadal qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Suudaan waxaa lagu muujiyey inay socdaan qabanqaabo la xiriirta booqashadda Wafdi heer sare o oka socda Qatar ku tegi doonaan Khartuum.
Dhinaca kale, Afhayeenka Golaha Milliteriga ee Suudaan, Shamsudiin Kabashi waxa uu beeniyey wararka ay Warbaahintu ku sheegeen inay qaabili waayeen Wafdigii ka socday dalka Qatar
Inta badan Warbaahinta dalalka Sacuudiga, Imaaaraadka iyo Masar ayaa markii ugu horreysay shaaciyey warka ku aadan inay Golaha ka taliya Suudaan qaabili waayeen wafdi ka socday dalka Qatar.