Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday xaalad deg deg ah, kaddib marki uu dalka ku baahay Ayax baabi’yay dalagyo ku yaallay dhul beereed baaxad weyn.
Xaaladda Ayaxa halista ku haya Soomaaliya ayaa uga sii dartay cunto yarida horay uga jirtay Soomaaliya oo ka mid ah dalalka ugu faqrisan uguna dayacan gobolka Geeska Africa.
War kasoo baxay Sabtidi Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xaalad qaran oo deg deg ah dalka la geliyay, sababo la xiriira sare u kaca ku yimid xowliga uu ku socdo Ayaxa oo khatar weyn ku ah cuntada Soomaaliya oo awalba aheyd mid aanan dalka ku filneyn.
Khubarrada ayaa sheegay in Axaya ku habsaday Soomaaliya uu yahay natiijo ka dhalatay isbadalka cimiladda, iyadoo dalka ay meelaha qaar uu si xoogan uga da’ay roobkii deyta halka meelha qaarna uu ku yaraa, meelaha qaarna ay abaar aheyd.
Soomaaliya ayaa hadda noqday dalki ugu horreeyay oo ku yaalla Bariga Africa oo ku dhawaaqa xaalad deg deg ah, sababo la xiriira Ayaxa. Dalalka Kenya iyo Itoobiya ayuu sidoo kale Ayaxa fara ba’an ku hayaa.
Hey’adda Beeraha iyo Cuntada Aduunka ee FAO ayaa sheegtay in Ayaxan uu noqday kii ugu xumaa ee ku habsada Geeska Africa muddo 25 sano ah.