Wararka ay Dalsan ka heleyso Magaalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Maamulka Soomaaliland ay Xabsiga dhigeen ilaa 7 Ruux oo looga shakiyay in ay carqaladeyn rabeen doorashooyinka Maamulkaas.
Howlgal ay Ciidamadu ka sameeyeen Xaafada lagu Magacaabo kilinka ee Magaalada Hargeysa ayay dadkaan ka soo qabteen kuwaas oo Ciidamadu uga shakiyeen falal la xiriira dhanka amniga.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada ayaa waxa ay sheegeen in 7 Ruux horay loogu raad joogay kadib markii si mid ah horay oo qabtay laba kale kuwaas oo ku jira Gacanta ciidamada Booliiska Soomaaliland.
Maalmihii u dambeeyay ayaa deegaanada kala duwan ee maamulkaas Soomaaliland waxaa laga dareemayay dhaq dhaqaaq ay sameynayaan ciidamada xili wax ka yara Saddex Maalin ay ka harsan tahay Doorashada Maamulka Sooamaliland Gobolada Maamulkaasna uu ka socdo loolan adag.