Boqolaal Askari oo ka mid ah Ciidamada Dalka Jabuuti ayaa la xaqiijiyay in ay dhawaan soo gaari doonaan Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Galmudug.
Ciidamadaan oo ka mid ah holwgalka Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa sida la sheegay waxaa dalbaty xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Ciidamadan oo ka mid ah Saktarka 5,aad ee Ciidamada Jabuuti ayaa waxaa tababar u socday mudo loogu soo xiray gudaha dalkaas kuwas oo intas ka dib u soo duuli doona Soomaaliya.
Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Jabuuti Generaal  Zakariye Sheekh Ibraahim ayaa sheegay in Ciidamadaan loogu talo galay in la geeyo Magaalada Cadaado kadib codsi ka yimid Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Sikastaba Magaalada Cadaado ayaa waxaa haatan ka taagan xiisad Siayasadeed oo ka dhalatay khilaafka hoggaanka ugu sareysa Maamulkaas oo ku sugan Magaalada Cadaado.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Xoogga dalka Jabuuti.