Soomaali Laga Soo Musaafuriyay Maraykanka oo Maanta La keenay Magaalada Muqdisho

Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dajiyey 67-ruux oo dhalinyaro Soomaali ah, kuwaas oo laga soo musaafuriyay dalka Mareykanka.

Saraakiil ka tirsan Hey’adda Socdaalka ayaa warbaahinta u sheegay in diyaarad gaar ah dadkan lagu keenay, islamarkaana ay nabad qabaan.

“Waxaa loo soo tarxiilay arrimo la xiriira socdaalka oo ay ka mid tahay sharci la’aan, waa nalagu soo wargeliyay qorshaha keenidooda” sidaas waxaa yiri Sarkaal ka tirsan Hey’adda Socdaalka ee dowladda Soomaaliya

Bilaawgii sanadkan ayay aheyd markii Madaxweyne Trumo uu soo saaray sharci ka mamnuucaya in dalka Mareykanka soo galaan Muslimiinta Lix dal oo ay Soomaaliya ku jirto.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media