Labo Diplomaasi oo ka kala socday dalalka Britain iyo Denmark ayaa waxay hadalkaasi sheegeen, kadib, markii ay Khamiisti ila soo dhaafay magaalladda Hargeysa kula kulmeen Hoggaamiyayaal ka kala socda Xisbiyadda Mucaaradka iyo Xisbiga haya Talada Maamulkaasi.
Diplomaasiyiinta waxay carrabka ku dhufteen inuu xumaan doono Xiriirka Beesha Caalamka iyo Maamulka Somaliland haddii dib loo dhigo Doorashadda Madaxtinimadda ee lashaaciyey in la qaban doono bisha March 28-da ee sannadkan.
Labada Diplomaasi waxay soo bandhigeen Qorshe kale oo lagu kaalmeynayo Qoysaska ay Abaaruhu haystaan, waxayna ballan qaadeen 10 million oo Dollar oo Gargaar Degdeg ah o oka imaanayso Beesha Caalamka, si wax looga qabto dhibaatadda Abaaruhu ku hayso Somaliland.
Somaliland ayaa ku dhawaaqday sannadkii 1991-kii inay ka go’een Jamhuuriyadda Somalia, balse waxay Caalamka weli aqoonsan yihiin inay ka tirsan yihiin dalka Somalia, mana jirto Dowlad ictiraaftay Maamulka Somaliland, marka laga reebo Ethiopia oo Safaarad ku leh Hargeysa.
Dhinaca kale, Xafiiska QM ugu qaabilsan Isku-xirka Hawlaha Samafalka Aadminimo (OCHA) ayaa sheegtay in Abaaraha haatan taagan ay dhibaateysay in ka badan 240,000 o o qof oo ku nool Somaliland, iyadoo Goballadda ugu badan ee ay saameeyeen Abaaraha ku jitaan Goballadda Awdal, Maroodi-jeex iyo Gabiley oo dhaqan ahaan Goballadda ugu weyn ee wax-soo-saarka cuntada.
©Radio Dalsan